Shimbiro Bakhtigooda Bac Lagu Mooriyey Oo Laga Reebay Rakaab Shiinaha Ka Tagay

USA (HCTV) – Rakaab u dhashay Dalka Shiinaha ayaa mid ka mid ah Boorsooyinkooda oo la baadhay laga helay Bac ay ku jiraan Shimbiro yaryar oo Bakhtiya.

Boorsooyinka laga helay Bakhtiga Shimbiraha ayaa waxa lagu baadhay Garoonka diyaaradaha ee Dulles, ka dib markii ay 27-kii bishii hore ee January uu Rakaabka ka yimid Shiinuhu halkaa ka degay.

Sida uu sheegay Wargeyska Daily Mail oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay, Rakaabka ayaa markii la waydiiyey sababta ay u sitaan bakhtiga Shimbiraha, ayaa ku sheegay inay tahay Cunto bisadeed.

Bacda lagu mooriyey Bakhtiga Shimbirahan oo loo malaynayo inay dhasheen uun markii la soo qabtay, ayaa waxa ku sawiran Bisad.

Sheekadan ayaa waxa xiiso u yeelay, xanuunka ka dillaacay Shiinaha ee Coronavirus oo loo malaynayo inuu ka dhashay Raashinka ay Dadka Shiinuhu cunaan oo u badan Xayawaanka badda iyo beriga ku nool.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka