Conora-virus: Arbacadii Oo Keliya Wuxuu Dilay 242 Qof, Waxaana U Jiifa 60,000

Hubei (HCTV) – Masuuliyiinta Komiishanka Caafimaadka ee Gobolka uu sida Ba’an ugu fiday Caabuqa Conoravirus ee Hubei ee Dalka Shiinaha ayaa Khamiista Maanta sheegay in Arbacadii Shalay oo keliya uu Xanuunkaasi dilay Dad gaadhaya 242 Qof.

Dhimashadii ugu badnayd ee Hal Maalin gudahood uu sababo Caabuqa Coronavirus, waxayna laba jeer ka badan tahay tirada Dadkii sida Maalinlaha ah ugu dhimayey Halkaasi ee la diwaangeliyey.

Dhimashada Dadka tiradoodu dhan tahay 242 –ka ayaa tirada Dadka uu Xanuunku illaa hadda ku dilay gudaha Shiinaha ka dhigaysa 1,367 Ruux.

Masuuliyiinta Caafimaadka Shiinaha ee Gobolka Hubei aya sheegay inuu kordhay dardarta uu ku socdo Faafidda Cudurkani, waxayna sheegeen in 24-kii Saacadood ee u dambeeyay la diwaangeliyey 14,840 Qof oo uu Xanuunku ku dhacay.

Hubei oo ah Gobolka Xanuunkani ka dillaacay ayaa hadda la xidhay Suuqii Magaalada Wuhan ee lagu iibinayey Cuntooyinka laga sameeyo Xayawaanaadka laga soo jilaabto badda, maaddaama oo la rumaysan yahay in Xanuunkani markiisii hore ka dhashay Xayawaan.

Maayarkii hore ee Magaalada Shanghai, Ying Yong ayaa hadda loo Magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Maamusha Gobolka Hubei ee Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha, waxaana xilkaa hore u hayey oo laga  caydhiyey Jiang Chaoliang, iyadoo lagu eedaynayo inaanu waxba ka qabanin faafidda cudurka Coronavirus oo si ba’an u socota.

Gobolka Hubei oo keliya, Caabuqa Coronavirus ayaa waxa u jiifa oo uu ku dhacay Dad gaadhaya 48,206 Qof, marka lagu daro tirada Dadka kale ee uu Adduuka intiisa kale haleelayna ka dhigaysa 60.000 Qof.

Sidaana waxa ku warrantay Aljazeera oo uu HCTV ka so xigtay

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka