Xisbiga Waddani Oo Madaxweyne Muuse Iyo Xukuumadiisa Ku Dhaliilay Inaanay Xog Shacabka Ka Siin Kulanadii Addis Ababa

Hargeysa, (HCTV) – Xoghayaha Guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisaba ugu baaqay inay shacabka xogg ka siiyaan safarkii Madaxweynaha Somaliland uu dhawaanta ugu baxay caasimada dalka Ethiopia iyo kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Mr Khadar, Xoghayaha xisbiga Waddani waxa uu tilmaamay in madaxda Somaliland ay caadaysatay marka ay safar tagaan in dadkii ay matalayeen ee ay u ceelalyo tageen marka ay soo noqdaan inaanay wax xog ah ka siinin safarkaasi.

“Waxaan doonayaa inaan waxyar ka idhaahdo arinta siyaasada Arimaha Dibada Somaliland guud ahaan, gaar ahaan Addis Ababa iyo maalmihii ugu dambeeyey arimihii ka dhacay.

Sida aynu la socono 29 sanadood wax ku dhaw ayay Somaliland intii ay jirtay ay ahayd, taariikh ahaan marka laga soo bilaabo markii dawladii Siyaad Bare ay duntay, Somaliland markaasi ayay xornimadeed dib ula soo noqotay.

Mudadaa 29 sanadood ka dib waxa xaqiiqo ah shacabka Somaliland in aanay ku filnayn Madaxweyne iyo sida loo soo dhaweeyaa iyo in aanay ku filanayn shirarkii aanu tagnay guul baa laga gaadhay, in aanay ku filnayn hadalo aan samaynaynin nuxur lagu qiimeeyo ama lagu garto, waxay caadaysteen dhamaanba madaxda Somaliland marka ay safar tagaan, dadkii ay matalayeen ay u ceelalyo tagaan ama ay shaqo u soo qabanayaan marka ay soo noqdaan in aanay wax xogg ah siinin, marka laga yimaado inay yidhaahdaan anaga ayaa hudheelo lana dajiyey, anagaa si fiian naloo soo dhaweeyey, wax iyaga iyo wixii loo qabtay ku saabsan.

Shacabka Somaliland waxay jawaabo uga baahan yihiin arimihii duulimaadka Hawadu halka uu ku dambeeyey iyo sida uu yahay. Waxay jawaabo uga baahan yihiin arimaha la xidhiidha socdaalka iyo marka ay safrayaan sida ay dawladdnimo u heli lahaayeen iyo cida ay ka sugayaan dawladdnimadaasina, waa madaxda maanta joogta ee masuuliyiinta qaranka ah.

Waxa laga yaabaa in aanay iyagu dhibaatadaasi dareemin laakiin hooyada xanuunsata ee u baahata Hindiya ama meel kale caafimaad iyo dhakhtar u tagto dhibta ay u marto ama aabaha xanuunsadaa dhibta uu u maro, waa wax aynu wada ognahay. Markaa baahida aynu u qabno inta ay leegtahay waxaynu isku sheegayno maaha.

Madaxda badan oo Somaliland ahi waxay caadaysteen inay dadka majara-habaabiyaan, inay sawiro been ah usoo galaan. Aakhirkii bishii hore ayaa waxaan tagay Brussels, dadkii aan la kulmay mid ka mid ah oo ahaa dadkii wax noo fududeeyey ka mid ahaa wuxuu iigu dhaartay inuu arkay madax reer Somaliland ah oo maalin dhan xarunta Baarlamaanka Midawga Yurub ku meeraysanaysa si ay u helaan fursadd ay sawir ku galaan si sawirkaasi intay dadka shacabka ugu soo diraan ay ku majaro habaabiyaan oo ay been ugu sheegaan, Somaliland been kuma dhismi karto, arragtida Somalilandna been laguma meel marin karo.

Waxaynu ognahay Somaliland siyaasadeeda arimaha dibadu in maalinba maalinta ka dambaysa ay hoos u soo dhacayso, barigii hore Jendayi Frazer ayaynu ogayn inay Hargeysa timid, waxaynu ogayn in Madaxweyne Daahir Rayaale intaas oo madaxweyne oo aduunka ah uu la kulmay,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

https://www.youtube.com/watch?v=q_GDFKkBne4&t=202s