Muqdisho: Agaasime La Shaqaynayey Yariisow Oo Al-shabaabnimo Loo Xukumay (Akhri)

Muqdisho (HCTV) – Maxkamadda Ciidammada ee Fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ayaa Xadhig dhan Saddex Sanadood ku xukuntay Agaasimihii Waaxda Shaqaalaha ee Gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa Nuur Cali Axmed (Mahad Alle) ku heshay inuu isagoo haya xilka Agaasimaha Waaxda shaqaalaha ee Gobolka Banaadir uu la shaqaynayey Al-shabaab oo uu ka mid ahaa illaa xilligii uu soo codsanayey inuu noqdo Agaasimaha Shaqaalaha ee Gobolka Banaadir.

Sida laga soo xigtay dhukumantiga Maxkamadda, Mahad Alle ayaa laga xidhay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Muqdisho, ka dib Weerarkii Qaraxa ahaa ee Sannadkii 2018-kii lagu dilay Maayarkii Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisoow, kaasi oo sidoo kale ay ku dhinteen illaa 7 Masuul oo kale oo ka mid ahaa Maamulka Gobolka Banaadir ee Soomaaliya.

Ma Caddayn, xilligii Mahad Alle loo Magacaabay Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Gobolka Banaadir.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka