Xorriyadda Haweenka Sucuudiga Oo Sababtay In Qaarkood Sigaarka Suuqyada Ku Cabbaan

Riyadh (HCTV) – “Rima waxay si deggan ugu fadhidaa Kursi yaalla Maqaaxi Bunka laga cabbo oo ku taalla Magaalada Riyaad ee Caasimadda Dalka Sucuudiga, hareeraha ayay si Taxadar leh u eegtay, laakiin ma arkin Qof ay garatay, waxay Nuugtay Sigaarkeeda Electaroonigga ah, waxayna siidaysay Qiiq faro badan.” Sidaa waxa lagu bilaabay War-bixin dheer oo ka warramaysa isbeddelka ku dhacay Hab-dhaqankii Haweenka Sucuudiga, taasi oo sharraxaysa heerka Xorriyadda haweenka Sucuudigu marayso.

“Markaan Sigaarka ku cabbaya meel Caam ah, waxaan dareemaa inaan Adeegsanayo Xorriyadda aanu ku guulaysanay..” ayay tidhi, Rima oo ah Gabadh 27 jir ah oo ka shaqaysa Shirkad gaar loo leeyahay oo Fadhigeedu yahay Magaalada Riyaadh, taasi oo u warrantay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Wargeyska New Straits Times ayaa isagoo ka hadlaya sida Haweenka Sucuudigu uu isbeddelku ugu dhacay markii la siiyey Xorriyad dheeraad ah wuxuu sheegay in qaarkood ay marayaan halkii haweenka Balwadaha u ban-baxay ee reer Galbeedku ay marayeen Qarnigii 20-aad.

Wargeysku wuxuu sheegay inay bilaabeen Cabbista Sigaarka, Shiishadda iyo waxyaabaha la midka ah.

Haweenka Sucuudiga ayaa loo ogolyahay inay gaadiidka kaxaystaan, inay ka qayb-galaan Daawashada Ciyaaraha, waxaana Baasaaboorka la siin karaa iyagoon wadan ama aanu la socon muxrim.

Rima oo war-bixintan lagu waraystay ayaa sheegtay inay Cabbista Sigaarka bilowday laba Sanadood ka hor, iyadoon u joojinayn khatarka Caafimaad ee Sigaarku leeyahay, laakiin waxay ka cabsi qabtaa in Qoyskeedu ku ogaadaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka