Lughaya: Ciidamada Booliiska Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Ku Eedaysan Kufsi Iyo Dil Loo Gaystay Gabadh 15 Jira

Hargeysa, (HCTV) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay nin ku eedaysan kufsi iyo dil loo gaystay gabadh 15 jir ah.

Falkan kufisiga iyo dilka isugu jira aayaa ka dhacay degmada Lughaya oo ka tirsan gobolka Awdal ee Somaliland.

Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa Telefsihanka HCTV u xaqiijiyey in ciidamada Bileysku ay gacanta ku soo dhigeen xalay eedaysana, maantana ay u gudbiyeen magaalada Boorama.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland ayaa noo xaqiijiyey in shaqadii ciidanka laga eryey Askari waddada dhexdeeda ku garaacaya qof dumar ah, taas oo muuqaal laga duubay Askariga haweenayda garaacaya uu dhex xulay baraha bulshadana ee facebook-gu ka mid yahay.

Sidoo kale qoraal barta Facebook ee Ciidanka Booliisku Somaliland leeyahay lagu baahiyey manata ayaa lagu sheegay in shaqadii ciidanka laga eryey askari wadadda dhexdeeda ku garaacaya qof dumar ah, waxaanay fariintu u dhignayd;

“Saacado ka hor waxa baraha bulshada la soo geliyey saddex allifle Mahad Cabdi Cismaan oo gacan u qaaday ruux dumar ah. Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa annaga oo ka duulayna in booliisku yahay saaxiibka dadweynaha in la ruqseeyey askarigaa xadgudubka sameeyey, isagoo xidhan sharaftii ciidanka booliiska Somaliland, saacado gudahood. Booliiska Somaliland waa saaxiibka dadweynaha.”

Talaabadan ayaa muujinaya deedaalada Ciidanka Booliiska Somaliland iyo madaxdoodu ugu jiraan sarraynta sharciga iyo ilaalinta nabadgelyada bulshada, mudan yihiina in mahadcelinteeda.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.