Taliyaha Booliiska Somaliland Oo Xaqiijiyey In Askari Haweenay Wadada Dhexdeeda Ku Garaacay Shaqada Laga Eryey

Hargeysa, (HCTV) –Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) ayaa Telefishanka HCTV u xaqiijiyey in shaqadii ciidanka laga eryey Askari waddada dhexdeeda ku garaacaya qof dumar ah, taas oo muuqaalka Askariga haweenayda garaacaya oo la duubay uu dhex xulay baraha bulshadana ee facebook-gu ka mid yahay.

Talaabadan foosha xun ee Askarigaasi kula kacay haweenaydaasi oo ka dhacay Hargeysa ayaa qoraal barta Facebook ee Ciidanka Booliiska Somaliland lagu baahiyey manata waxa lagu sheegay in Boolisku uu yahay Saaxiibka dadweynaha, xadgudub noocaas ahna aan loo baahnayn.

Qoraalka Booliska ka soo baxay

ayaa lagu sheegay in shaqadii ciidanka laga eryey askari wadadda dhexdeeda ku garaacaya qof dumar ah, waxaanay fariintu u dhignayd;

“Saacado ka hor waxa baraha bulshada la soo geliyey saddex allifle Mahad Cabdi Cismaan oo gacan u qaaday ruux dumar ah. Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa annaga oo ka duulayna in booliisku yahay saaxiibka dadweynaha in la ruqseeyey askarigaa xadgudubka sameeyey, isagoo xidhan sharaftii ciidanka booliiska Somaliland, saacado gudahood. Booliiska Somaliland waa saaxiibka dadweynaha.”

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland oo HCTV uu wax ka waydiiyey in la soo qabtay eedaysanihii Kufisga iyo Dilka u gaystay gabadh 15 jir ah, degmada Lughayaha oo ka tirsan Boorama, ayaa sheegay in ciidamada Bileysku ay gacanta ku soo dhigeen xalayba markii kufsigaasi dhacay eedaysanihii, maantana ay u gudbiyeen magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.