Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Somalia Ay Ku Leedahay Qoryooley

Muqdisho, (HCTV) – Dagaal culus oo ku bilaawday Qaraxyo ayaa Al-shabaab ay ku qaaday saldhigyo ciidamada dowladda Somalia ay ku leedahay degmada Qoryooley gobolka Shabeellaha Hoose.

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo war ka soo saaray dagaalka ayaa sheegay in ay iska difaaceen sida ay hadalka u dhigeen weerar uga yimid dhinaca xoogagga Ururka Al-shabaab.

Ibraahim Aadan Najax guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dagaalka dhinaca Al-shabaab looga dilay saddex dagaalame, isla markaana ay ka furteen hub ay wateen oo uu ka mid yahay qoriga BKMka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu intaa ku darray in Al-shabaab qorshaoodu ahaa in ay qarxiyaan Buundado uu maamulku dib u dayac-daray oo mar hore burburiyeen dagaalamayaal iyaga ka tirsan.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegtay in laba qarax ay ku weerartay  Saldhiga Ciidamada dowladda ee Qoryooleey, isla markaana dagaalyahano ka  tirsan Shabaab ay la wareegeen inta badan gacan ku heynta degmada.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.