Hargeysa: Urur Siyaasadeedkii Ugu Horeeyay Oo Somaliland Lagaga Dhawaaqay, 2020.

Hargeysa (HCTV) – Ka dib, markii Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi uu Toddobaadkan ku dhawaaqay in la furayo Ururrada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka, ayaa waxa Maanta Hargeysa lagaga dhawaaqay Ururkii u horreeyay.

Xildhibaan Saleebaan Daahir (Dogox) oo ka mid ah Golaha deegaanka Hargeysa ayaa ku dhawaaqay in isaga iyo Dadka ay isku aragtida yihiin ay aasaasayaan urur siyaasadeed.

Xildhibaan Dogox oo Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Ururkan oo Magaciisu yahay MIDNIMO (Ururka Midaynta iyo Horumarka Somaliland) ay hirgelin doonaan marka Madaxweynuhu uu si rasmi ah wareegto ugu soo saaro furashada Ururrada siyaasadda iyo Asxaabta Qaranka.

Xildhibaanku wuxuu sheegay inay ka duulayaan Qorshaha ah in la helo Urur la wada leeyahay oo Mustaqbalka noqda Xisbi Qaran oo Ummadda reer Somaliland iska wada dhex aragto, maaddaama buu yidhi Xisbiyada hadda ka jiraa ay ka baydheen ujeeddadii loo sameeyay ee ahayd in Qabyaaladda lagaga baxo.

Saleebaan Dogox ayaa ka mid ah siyaasiyiinta da’da yar ee 8-dii sano ee u dambeeyay ku jiray Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa.

Xildhibaanka ayaa ka mid ah Muwaadiniinta reer Somaliland oo Qurbaha ka soo noqday.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka