Somaliland: Wasaarada Diinta Oo Markii U Horaysay Bilawda Gudida La Dagaalanka Mukhaadaraadka

Hargeysa, (HCTV) – Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa markii u horaysay si rasmi ah u bilawday guddida la dagaalanka Mukhaadaraadka ee Somaliland.

Sida lagu sheegay war-qoraal ah oo ku qornaa Af-Ingiriisi oo Agaasimaha guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Aadan Cabdilaahi uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Guddidan ayaa masuul ka noqon doonta hoggaaminta olole wacyigalineed iyo talaabooyin ka dhan ah Mukhaadaraadka oo guddidu qaadi doonto, sida uu hadalka u dhigay Agaasimaha Guud.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.