UK Oo 32 Qof Dib Uga Soo Celiysay Japan, Xanuunka coronavirus Ee Fidaya Awgeed

London, (HCTV) – Xoghayaha Arrimaha Dibada ee dalka UK, Dominic Raab ayaa cadeeyey in dawladdiisu ay dib ugu soo celisay guryahooda 32 muwaadin oo isugu jira British iyo Yurubiyaan, kuwaas oo si amaan ah loo keeenay.

Talaabadan dawladda Britain ay dalka Japan kaga soo daadguraynayso muwaadiniinteeda ayaa timid kadib markii cudurka coronavirus ee Shiinuhu uu ku faafay dalal kale oo ay ka mid yihiin Japan, Koonfurta Kuuriya iyo dalal kale.

“Waxaanu keenay 32 muwaadin oo British iyo Yurubiyaan isugu jira oo aanu ka keenay Japan. Xafiiska Arrimaha dibada ee UK waxa uu si xoog ah uga shaqaynaya sidii si amaan ah dib loogu soo celin lahaa UK.

Muhiimadayada koowaadna waxa weeyi caafimaadka iyo badqabka muwaadiniinta UK.” Ayuu yidhi Xoghayaha Arimaha Dibada ee UK, Dominic Raab.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.