Dawladda Kuwait Oo Muwaadiniinteeda Ka Daad-guraynaysa IRAN Oo Uu Ka Dilaacay Coronavirus

Kuwait (HCTV)  – Dawladda Kuwait ayaa ku dhawaaqday inay 750 Muwaadiniinteeda ah ka soo daad-guraynayso Dalka IRAN, ka dib markii laba Qof ay xanuunka coronavirus ugu Geeriyoodeen gudaha Iran.

Diyaaraddii ugu horraysay ee Dadka Reer Kuwait ka soo qaadday Dalka IRAN ayaa Sabtidii gaadhay Kuwait, taasi oo sidday Dad tiradoodu dhan tahay 130.

Wasiirka Caafimaadka ee Kuwait Dr Basel Al Sabah oo Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in Muwaadiniintaasi ka fayow yihiin Caabuqa coronavirus.

Dhanka kale, Dalka Lubnaan waxa Caabuqa coronavirus laga helay haweenay 45 jir ah, taasi oo ka soo safartay Magaalada Qom ee dalka IRAN.

Wasiirka Caafimaadka ee Lubnaan Hassan Hamad ayaa sheegay inay Dawladda IRAN kala hadleen sidiu loo qaadi lahaa Tallaabooyin lagula soconayo Dadka u kala gooshaya labada dal, iyaguna ay heegan ku jiraan.

Sida la xaqiijiyey, Dad gaadhaya illaa 28 Qof ayaa uu Caabuqa coronavirus ku dhacay gudaha IRAN.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka