Soomaaliya: Al-shabaab Oo Lagala Wareegay Adhi Gaadhaya 400 Neef

Maxaas (HCTV) – Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay kooxda Al-shabaab kala wareegeen Xoolo gaadhaya 400 neef, kuwaasi oo dhamaantood Adhi ah.

Hawl-galkan oo ahaa mid qorshaysan ayaa Ciidammadu ka sameeyeen tuulada Muuse-geel iyo kuwa kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan sida ay warbaahinta Dawladda Soomaaliya baahisay Axadda Maanta.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisu ahaa sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa waddooyinka u dhaxeeya deegaanka Moqokori iyo degmada Maxaas oo Warbaahintu sheegtay in Al-shabaab mararka qaar ay joogsadaan isla-markaana Dadka shacabka ah ee isticmaala ay Xoolo kaga qaadaan.

Intii Hawl-galkani socday, waxa Saraakiisha Ciidammada Dawladda Soomaaliya sheegeen in Kooxda Al-shabaab laga qabsaday illaa 400 (Afar boqol) neef oo adhi ah, waxayna Ciidammadu sheegeen in Xoolahaa dib loogu celiyey Dad ay tilmaameen in Al-shabaab hore uga qaadday.

Al-shabaab kama hadal arrintan, mana jirto Cid Madax-bannaan oo Caddayn karta Sheegashada Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka