Wasiir ku-xigeen Laga Helay Caabuqa coronavirus

Iran (HCTV) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN Iraj Harirchi ayaa laga helay Caabuqa coronavirus.

Wakaaladda Wararka IRAN ee Fars ayaa Twitter-ka ku baahisay Muuqaal uu ka hadlayo Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka IRAN oo xaqiijinaya inuu Haleelay Caabuqa coronavirus.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka ayaa Isniintii ka soo muuqday Shir-jaraa’id isaga aan muuqaal ahaan wanaagsanayn, isla-markaana Wejigiisa ka masaxaya dhidid.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka IRAN ayaa sheegay in Wasiir ku-xigeenka uu haleelay Caabuqa coronavirus  uu safka hore kaga jiray la dagaalanka caabuqaasi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka