Ciidammada Somaliland Oo Guulo Ka Sheegtay Dagaal Maanta Dhex Maray Ciidammada Puntland

Yubbe (HCTV) – Subaxdii hore ee Saaka waxa dagaal deegaanka Kadhada ee Sanaag-bari uu Dagaal ku dhex maray Ciidammada Somaliland ee halkaa ku sugan iyo kuwa Maamul-gobolleedka Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidammada Qaranka Somaliland oo soo gaadhay HCTV ayaa sheegay in dagaalkaa ay guulo ka soo hooyeen isla-markaana ay Ciidammada Puntland ka furteen Hub, laakiin ma sheegin wax khasaare nafeed ah oo soo kala gaadhay Ciidammada Puntland.

War-saxaafadeedka Ciidammada Somaliland ayaa u qornaa sidan “Waxa jira inay Maamulka Puntland ciidamadoodu weerareen shalay 25/2/2020 badhasaabka laasqoray ee Jamhuuriyadda Somaliland, isku dayeena inay dilaan, hase ahatee illaahay ka badbaadiyay, waxay daandaasi  joogta ku hayaan dadka Somaliland ee degan badhan iyo degaanada ku hareeraysan .

Saaka abaaro lixdii iyo badhkii (6:30 Am) subaximo, waxay ciidamada Maamulka Puntland isku day dagaal ka bilaabeen degaanka kadhada oo 18km u jira Yubbe, halkaana waxaa isku haleelay ilaaladda hore ee ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dagaal oogayaasha ciidanka Puntland halkaas oo ciidanka qaranku dhirbaaxo lama ilawaana ku dhuftay kana soo hooyeen guulo, iyagoo ka qabsaday hub iyo gaadiid intaba.

Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland doonimaayo dagaal, laakiin haddii laga dayn waayo daandaansiga joogtada ah wuxuu ka gudan doonaa wajibaadkiisa cid kasta oo isku dayda inay daandaansato Jamhuuriyadda Somaliland.”

 ALLAA MAHAD LEH

CIIDANKA QARANKA GUUL

Afhayeenka Ciidanka Qaranka JSL

Gashaanle Sare Cabdi Cabdilaahi Xasan ( Cabdi Dheere)