Somali News

WHO Oo Digniin Culus Soo Saartay, Markii Coronavirus Ku Faafay 50 Dal

By Ahmed Cige

February 29, 2020

Hargeysa (HCTV) – Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa qiimeyn ay ku sameysay caabuqa coronavirus ku tilmaantay inuu khatar sare ku hayo dunida.

Balse, WHO ayaa sheegtay in weli ay jirto fursad wax lagaga qaban karo caabuqa haddii laga hor istaago faafitaanka.

Madaxa WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sidoo kale sheegay in cabsi iyo xog khaldan oo xanuunka ku saabsan ay yihiin cabaqadda ugu weyn ee ay tahay in wax laga qabto.

In ka badan 50 dal ayaa haatan soo weriyay kiisas caabuqa coronavirus ah.

Ilo laga soo xigtay waaxda caafimaadka Iiraan ayaa sheegay in ugu yaraan 210 qof ay u dhinteen caabuqa. Tiradan ayaa lix jeer ka badan tan ay shaaciyeen saraakiisha dowladda.

Shir jaraa`id oo uu ku qabtay magaalada Geneva, ayaa Dr Tedros wuxuu ka sheegay in inta badan kiisaska wax laga qaban karo, isla-markaana aa wax caddeyn ah loo heyn in caabuqu uu si fudud ugu dhex faafayo bulshada.

Dr Mike Ryan, oo isagana ah madaxa WHO ee Barnaamijka Caafimaadka Deg-degga ah ayaa sheegay in digniintan loogu talo galay inay hagto dowladaha, maaddaama aanu hannaanka caafimaadka dalalka u diyaarsaneyn caabuqa

Maxaa ugu dambeeyay wararka coronavirus?

Maxaa kale oo ay WHO sheegtay?

Dr Ryan ayaa sidoo kale ka hadlay in xogta haatan la hayo ayna sheegeynin in caabuqa uu yahay musiibo dunida ku habsatay.

Dr Tedros ayaa sheegay in faafitaanka caabuqa uu khatar ku yahay dunida, balse ayna ahayn in la abuuro baqdin aan jirin.

WHO ayaa sheegtay in wax ka qabasho sarreysa, oo ay iska kaashadaan dhammaan dowladaha iyo bulshada ay gacan ka geysan karto hoos u dhigidda faafitaanka xanuunka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: BBC