Somaliland: Guddi Nabadeed Oo Loo Xulay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Deegaan Macdan Laga Helay

Hargeysa (HCTV) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa Guddi u saaray Xallinta dagaal laba beelood oo Walaalo ah ku dhex maray deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag.

Fadhiga Maanta oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuu Aadan ayaa waxa lagaga dhawaaqay Magacyada Guddiga nabadeed ee Golahaasi Magacaabay, kuwaasi oo safar ku tagaya halka dhibaatadu ka dhacday.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali ayaa akhriyey Magacyada Xubnaha Guddiga ah ee loo xulay Xallinta colaadda deegaanka Shidan:-

  1. Axmed Daahir Jirde (Guddoomiye)
  2. Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan
  3. Cali Maxamed Huruuse
  4. Cumar Nuur Xasan
  5. Maxamed Faarax Axmed
  6. Axmed Xaaji Cabdi Xuseen
  7. Xasan Cumar Axmed
  8. Diini Cabdillaahi Handi
  9. Cawil Cismaan Maxamuud
  10. Khadar Xuseen Sahal
  11. Cawil Cabdillaahi Caydiid

Deegaanka Shidan ee Guddigan nabadeed loo xulay markii labada Beelood isku dhaceen, ayaa la sheegay in laga helay Macdan noocyo kala duwan leh.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka