IRAN: 77 Qof Oo U Dhintay coronavirus Iyo 23 Xildhibaan Oo Laga Helay

Tehran (HCTV) – 23 ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa laga helay Caabuqa dilaaga ah ee coronavirus.

Sidaana waxa Salaasada Maanta Warbaahinta ka hor sheegay ku xigeenka Guddoomiyaha Aqalka Baarlamaanka IRAN, Abdolreza Mesri.

Abdolreza Mesri mid mid uma sheegin Magacyada Xildhibaannada laga helay Caabuqa coronavirus, balse wuxuu xaqiijiyey in 23 ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka laga helay Xanuunkaasi.

Warkan sheegaya 23-ka Xildhibaan ee Xanuunkan laga helay ayaa ku soo beegmay xilli uu coronavirus u geeriyooday Ahmad Toyserkani oo la Taliye u ahaa Madaxa waaxda Garsoorka ee IRAN, sida ay Salaasada Maanta soo werisay Wakaaladda Wararka ee ISNA.

Sidoo kale, Warkan naxdinta leh ee sheegaya in Xildhibaanno gaadhaya 23 laga helay Xanuunka, ayaa yimid Xilli ay dalka IRAN ay Xanuunkaa ugu Geeriyoodeen 77 Qof, kuwaasi oo ka mid ahaa 2,336 oo coronavirus uu hore ugu dhacay oo ay u jiifaan.

Siyaasi reer IRAN ah iyo La Taliyaha Xilligan ee Wasiirka Arrimaha dibedda IRAN Hossein Sheikholeslam ayaa la soo weriyey inay qaadeen coronavirus.

Intaasi ka sakow, xanuunkani wuxuu hore u soo ritay Madaxweyne ku-xigeenka Arrimaha haweenka iyo Qoyska ee IRAN iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi, Iraj Harirchi.

Khamiistii la soo dhaafayna waxa Cisbitaalka la dhigay Wasiirkii hore ee Cadaaladda iyo Arrimaha gudaha ee IRAN, Mostafa Pourmohammadi, ka dib markii lagu arkay Calaamadaha Caabuqa coronavirus.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka