Maraykanku Muxuu Ka Yidhi, Dagaalkii Dhex Maray Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya Iyo Kuwa Jubbaland ?

Muqdisho (HCTV) – Dawladda Maraykanka ayaa ka hadlay dagaal Isniintii Shalay degmada Beled-xaawo ku dhex maray Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Magaalada Muqdisho waxa loogu baaqay dhinacyadii Shalay dagaalamay inay joojiyaan Dagaalka, iyadoo ay wax laga xumaado tahay in Dadka Shacabka lagu dul dagaalamo.

Safaaradda Maraykanka ayaa ku baaqday in laga fogaado in mar kale iska hor-imaad dhex maro Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland “Waxaan leenahay dhamaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka Beled-Xaawo in ay ka fogaadaan iska horimaad dambe ..” ayaa lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Maraykanka, kaasi oo intaa ku daray “Waxaan ku baaqeynaa xabad joojin..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka