Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In 56,000 Qof Oo Rayid Ahi Ku Barakaceen Dagaalka Gedo

Gedo, (HCTV) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 56,000 qof oo ku sugan Koonfurta Soomaaliya ay ku barakaceen dagaalo ka dhacay Gedo, waxaanay ku baaqay in la badbaadiyo dadka shacabka.

Warbixino hordhac ah oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa tilmaamayaa in ilaa 9,000 oo qoys oo u dhiganta qiyaas ahaan 56,000 qof inay ku barakaceen Gedo, oo ka tirsan maamul goboleedka Jubaland kadib dagaal iyo horraantii February u dhexeeyay dhinacyo isku haya gobolkaasi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Isuduwaha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Somalia.

Aadam Abdelmoula oo ah isuduwaha Bani’aadanimada Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa sheegay ‘in wax kasta oo suurtagal ah laga sameeyo si loo yareeyo waxyeello ku timaadda dadka rayidka ah ama bubur soo gaadha dugsiyada waxbarashada, xarumaha caafimaadka iyo guryaha dadka rayidka ahi degganyihiin,’ isagoo ugu baaqay dhammaan kooxaha ay khuseyso inay qaadaan tallaabo kasta si loo ilaaliyo dadka rayidka ah iyo agabkoodaba.”

Iska hor-imaadyadan hubaysan ayaa bilaabmay 7-dii February ee sanadkan, waxaanay xiisadu cirka isku sii shareeray 2-dii bishan March, taas oo sababtay in dad badan oo rayid ahi ay ku barakacaan magaalada Beled-Xaawo iyo xerada barakacayaasha ee Belet Amin

Qaar ka mid ah dadkan barakacay ayaa afka saaray degmooyin ay ka mid yihiin Doolow, Luuq iyo goobo kale oo isla Beled Xaawo ka tirsan halka dadka qaarkiina ay u firdhaday dhulka miyiga ah.

Dad lugu qiyaasay 2.6 milyan oo qof ayaa hadda ku barakacsan gudaha Soomaaliya sababo lala xiriirinayo colaadaha waddanka ka socda iyo mashaqooyin ka dhashay isbedellada cimilada. Sannadkii tegay ee 2019 oo kaliya, 190,000 oo qof ayay colaaduhu barakiciyeen. Bishii jannaayo ee sannadkan 2020, dad gaaraya 35,000 oo qof ayaa barakacday, 28,000 oo tiradan ka mid ah waxay guryahooda uga carareen xaalado amni darro.

Soomaaliya waxay u diyaar garoobeysaa sidii ay u dhaqan geli lahayd  Heshiiskii Kampala ee Midowga Afrika oo la xiriiray ilaalinta iyo  caawinta dadka barakacayaasha ah, heshiiskan oo madaxweynaha Soomaaliya  uu saxiixay 26kii November 2019.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.