Sawirro: Wararkii U Dambeeyay Ee Duufaan Maraykanka Ku Dishay 24 Qof

Tennessee (HCTV) – Duufaanta Tornadoes ayaa ku dhufatay Badhtamaha Gobolka Tennessee ee dalka Maraykanka Xilli hore oo Salaasadii Shalay ahayd.

Duufaanta ayaa waxyeelo baaxad leh gaadhsiisay Magaalada Nashville oo Magaalo Madax u ah Gobolka Duufaantu ku dhufatay.

Wakaaladda Maamulka Adeegyada Gurmadka deg-degga ah ayaa sheegtay in ugu yaraan 24 Qof ku dhinteen Duufaanta, waxaana jirta Cabsi laga qabo inay korodho Tirada dadka Geeriyooday, illaa haddana waxa socda baadi-goob loogu jiro Dad kale oo dhibaato soo gaadhay.

Xaalad deg-deg ah ayaa la geliyey Gobolka Tennessee, waxaana Masuuliyiintu sheegeen in dhismayaal badan burbureen, illaa 48000 kun oo Gurina uu adeegga Laydhku ka maqan yahay.

“Waa Maalin Murugo leh” ayuu yidhi, Badhasaabka Gobolka Tennessee Bill Lee oo Shir-saxaafadeed qabtay.

Patrick Sheehan oo ah Agaasimaha Wakaaladda Gurmadka Deg-degga ah ayaa sheegay in saddex Dalooloow laba ay muuqato in waxyeelo soo gaadhay Gobolka, isagoo xusay in dhibaatada ugu badan uu geystay Roob xoog leh oo duufaanta la socday. 

Meelaha Duufaantu dhulka la sintay waxa ka mid ah Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Nashville. Duufaanta ayaa burburisay xitaa dyaaradihii fadhiyey Garoonka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka