Coronavirus: 79 Ku Dhintay Talyaaniga Iyo Waddamo Cusub Oo Uu Ku Fiday

USA (HCTV) – Aqalka Koongarayska Maraykanka ayaa meel-mariyey $8.3 Bilyan Dollars oo loogu talo-galay in lagula dagaalamo Caabuqa Dilaaga ah ee coronavirus.

Tallaabadan ayaa timid, ka dib markii Caabuqu uu gudaha dalka Maraykanka ku dilay 11 Qof, kuwaasi oo midkood ku sugnaa California oo ah Qofka koowaad ee cudurku ku dilay meel ka baxsan Washington.

Laakiin, Kiisas cusub oo Caabuqa Coronavirus ah ayaa laga soo weriyey Magaalooyinka New York iyo Los Angeles, xilli California ku dhawaaqday Xaalad deg-deg ah.

Si kastaba ha ahaatee, Dalalka Bosnia, Herzegovina, Slovenia iyo Koonfur  Afrika ayaa shaaciyey inuu gaadhay Caabuqu isla-markaana Dal kasta oo Dalalkaa ka mid ah laga helay min Hal Qof oo qaba Cudurkaasi.

Sidoo kale, waxa albaabbada loo xidhay Kiniisad ku taalla Daanta Galbeed ee Isreal Xoogga ku haysato, cabsi laga qabo Caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus awgeed, sida ay ku warrantay Al-jazeera oo HCTV ay Warkan ka soo xigtay.

Wasiirka Caafimaadka ee Koonfur Afrika, Zweli Mkhize ayaa sheegay in muwaadiniinta reer Koonfur Afrika ee ku kaaraantimaysan gudaha Shiinaha ay Maalmaha soo socda Dalkooda dib ugu soo laaban doonaan.

Wasiirka ayaa hadalkan sheegay, waxyar uun ka hor markii la shaaciyey in Nin reer Koonfur Afrika ah oo dhawaan Xaaskiisa ula socdaalay Talyaaniga uu Caabuqu ku dhacay.

Faafidda Coronavirus

Dunida oo dhan, in ka badan 95,000 oo Qof ayuu ku dhacay Caabuqa Coronavirus, Dadkaana intooda badan wuxuu ku haleelay Shiinaha oo ah halka uu ka soo bilaabmay Caabuqu sannadkii hore dabayaaqadiisii.

Dawladaha Dunida ee uu Dalalkooda gaadhay Caabuqa Coronavirus oo ka badan 50 Wadan, ayaa illaa hadda qaaday tallaabooyin ay wax kaga qabanayaan faafiddiisa, laakiin illaa hadda tirada Dadka u geeriyooday Xanuunkaasi ayaa gaadhay 3,280 Qof, sida laga xoo xigtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO.

Talyaaniga oo ka mid ah Dalalka Qaaradda Yurub ayaa Caabuqu si aad ah ugu faafayaa, xilli la xaqiijiyey in Tirada Dadka Coronavirus uu ku dilay wadanka Talyaaniga ay ka badan tahay 79 Ruux, sida ay ku dhawaaqday Wakaaladda bedbaadada Shacabka ee Talyaanigu.

Madaxa Wakaaladda bedbaadada Shacabka ee Talyaaniga  Angelo Borelli ayaa sheegay in ilaa hada wadanka Talyaaniga gudihiisa ay 79 qof u dhinteen xanuunkan, 27 ka mid ahina ay geeriyoodeen 24-kii saacadood ee u dambeeyay.

79 kan qof ee uu caabuqan Coronavirus ku dilay Waddankan Talyaaniga ayaa ka badan tirada dadka uu ku dilay Wadanka Iran oo dhan 77 Qof.

Dhimashada ugu badan ayaa 12-kii Maalmood ee u dambeeyay ka dhacday Gobollada Qaniga ah ee Waqooyiga Talyaaniga ee Lombardy iyo Veneto.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka