Erdogan, Putin Oo Xabad Joojin Ku Dhawaaqay Kadib Kulankii Moscow

Moscow, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhigiisa dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay xabadjoojin milatari oo ka dhaqan gasha gobolka Idlib, saqdii dhexe ee xalay, kadib markii ay kulan ku yeesheen Moscow lixdii saacadood ee u dambeeyey.

Idlib ayaa ah meeshii ugu dambaysay ee maleeshiyaadka Suuriya ay ku xoogan yihiin waxaana sii dordhayey dagaalada dhiiga badani ku daadanayo tan iyo bishii December ee la soo dhaafay, oo ciidamada Suuriya ee Ruushku badhi-taageero ayaa hawlgalo ay ku doonayaan inay gacantooda dib ugu soo celiyaan gobolkaasi.

Madaxweynaha Turkigu waxa uu 12:00-kii habeenimo ee xalay uu warbaahinta u sheegay in xabad-joojin la gaadhay, waxaanu intaasi uu sii raaciyey in kumanaanka ciidamada ah ee ay u direen Idlib ay ahayd sidii Milatariga Suuriya ay uga saari lahaayeen halkaasi.

Hase yeeshee Madaxweyne Vladamir Putin muu ogolaan inuu talaabadaasi uu Turkiga gacan ku siiyo, balse heshiisku waxa ay rajadiisu tahay in lagu soo afjaro dagaalka ka sii daraya ee Idlib ka socda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay tan iyo bishii December ee u dambaysay in hal milyan oo shacab ahi ay u barakaceen xadka Turkiga, waxaanay ku qeexday xiligan xaaladdii bani’aadanimo ee ugu darnayd inay ka jirto Suuriya oo dagaalkeedu sagaalsano jirsaday.

Sidoo kale Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 300 oo shacab ah in lagu dilay saddexdaasi bilood ee u dambeeyey, weeraro milatari oo ka dhacay gobolka mucaaridku ku xoogan yahay ee Idlib.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.