Farmaajo Iyo Kenyatta Oo Telefoon Ku Wada-Hadlay (Akhri)

Muqdisho (HCTV) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa khadka Telefoonka ku wada-hadlay, Maalmo ka dib dagaal Magaalada Beled-xaawo ku dhex maray Ciidammada Dawladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul-gobolleedka Jubbaland.

Dagaalka ayaa sababay Ciidammada Maamulka Jubbaland u gudbaan xuduudka Kenya, gaar ahaan Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, isla-markaana uu khalkhal galo amniga xuduudka labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay ahmiyadda ay labada Dal u leedahay in laga wada shaqeeyo amniga xuduudka, taasi oo muhiim u ah xasilloonida guud ahaan Gobolka, sida lagu sheegay qoraal ay Internet-ka ku baahisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Farmaajo iyo Uhurru Kenyatta ayaa isla gartay in labada Dawladood si wada jir ah u wada shaqeeyaan.

Sidoo kale, Waxay isla qaateen in dhawaan guddiyo ka socda labada Dawladood ay ka wada hadlaan Xidhiidhka dhinaca Diblumaasiyadda iyo ka Ganacsi ee ka dhexeeya labada Dal.

Xidhiidhka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa yimid, Maalmo uun ka dib, markii Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Kenya ku eedaysay inay gudaha dalka ka waddo falal ku ah madax-banaanida Soomaaliya, Kenyana ay eeddaasi oo kale u jeedisay Soomaaliya.

 

 

HORN CABLE TV

Waaxda ONLINE-ka