Kareena Kapoor Khan Oo Soo Jiidatay Kumanaan Isticmaala Instagram-ka

New Delhi, (HCTV) – Waxa lagu soo waramayaa Kareena Kapoor barta Instagram-ka ay kala socdaan in kabadan 64 kun oo isticmaale oo ay kamid yihiin magacyada Manish Malhotra, Tamannah Bhatia, iyo Sonam Kapoor.

Kareena Kapoor Khan waxay ruxday warbaahinta bulshada markii ay si lama filaan ah baraha bulshada ku faafisay barteeda Instagram-ka. Taageerayaasha Kareena Kapoor ayaa aad ugu farxay in xiddiggooda ugu jecel yihiin ay haatan ugu dambeyntii sameynayaan jid ay ku galaan dunida warbaahinta bulshada ee social media-ha.

Waqtiyadii, markii ay ku xidhnaayeen taageerayaasha iyada oo loo maro baraha bulshada ayaa qasab ku noqotay xiddigaha Bollywood, Kareena waxay ku guuleysatay inay sii joogto waqtiga ugu dheer.

Majirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka Kareena, sidoo kale bartan ay samaysatay ayaan lahayn calaamad buluug ah ee lagu garto heerka sare ee uu gaadho ciwaanku marka ay dad badan ku soo xidhmaan. Koontada ay ku qoran tahay magaca ‘KareenaKapoorKhan’ waxaana markiiba soo socdsaday oo ku soo biiray in ka badan 64 kun oo qof oo ay ku jiraan magacyada Manish Malhotra, Hansika Motwani, Tamannah Bhatia, iyo Sonam Kapoor.

Waxaana lagu wadaagi karaa ama lagu gudbin karaa muuqaalada iyo sawirada iyo waxyaabo kale oo aad u tiro badan.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.