Toddobaad Ka dib, Dareenada Ku Xeeran Heshiiskii Ay Wada Saxeexeen Madaxweyne Biixi Iyo Mucaaradku

Hargeysa(HCTV) – Toddoba maalmood ayaa laga jooga maalintii ay Madaxweyne Biixi iyo xisbiyada mucaaradku kala saxeexdeen heshiiska ay ka gaadheen khilaafkii siyaasadeed kaas oo uu ka soo shaqeeyay ergayga Midowga Yurub.

Heshiiska oo ay sharci yaqaanadu ku tilmaameen mid ka baxsan sharciga dalka, ayaa ka kooban 7 qodob ayaa waxaana ugu muhiimsan inay doorashooyinka deegaanka iyo wakiiladu qabsoomaan sannadkan 2020 iyo inay guddiga doorashada ee jirta oo ay xisbiyada mucaaradku ku soo dari doonaan labadooda xubnood ay la shaqayn doonaan guddigii hore ee doorashooyinka oo loo bixiyay Technical election management UNIT (TEMU), kuwaas oo qabanaya inta badan shaqada guddiga doorashooyinka qaranka.

 

Waxa guddigan hore ee loo bixiyay guddiga farsamo sidoo kale ka mid ah 3 xubnood oo ajaanib ah.

 

Toddobaadaas maalmood ee laga joogo saxeexii heshiiska ma muuqdo wax horumar ah oo ay labada dhinac sameeyeen, marka laga tago inay saxeexeen heshiiska, waxase ay muddadaas toddobaadkan ah hoos u dhigeen eedaymihii kala duwanaa ee ay warbaahinta isu marin jireen.

 

Waxa aamusan oo aan weli mawqifkooda rasmiga ah la haynin guddiga doorashooyinka ee xilka haya oo uu Madaxweyne Biixi la kulmay habeenimadii heshiiska la saxeexayay, una bandhigay nuxurka heshiiska.

Guddigii hore ee doorashooyinka oo hadda ah guddi farsamo ayaan iyagana mawqifkooda si rasmi ah loo haynin, waxase la sheegay inay salaasadii kulan la yeesheen wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, waxaana la filayaa inay maanta kulan la yeeshaan Madaxweyne Biixi.

 

Labada xisbi mucaarad ayaan iyaguna weli soo magacaabin labadii xubnood ee ay ku lahaayeen guddiga doorashooyinka oo uu heshiisku dhigayo inay soo magacaabaan. Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in labada xisbi mucaarad eegayaan xaalada uu ku dambeeyo heshiisku oo ay ku go’aan qaadan doonaan.

 

Geesta kale, madaxda labada xisbi mucaarad ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, waxaana la sheegay in kulankaas oo albaabadu u xidhnaayeen ay labada dhinac kaga wada hadleen sii ambo qaadka heshiiskii khamiistii hore la saxeexay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika.