Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Wax Ka Badal Ku Sameeyey Xeerka Isgaadhsiinta

Hargeysa, (HCTV) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo saaray go’aan meesha looga saarayo qodobkii kootadda loogu xidhay shirkadda SOMCABLE keenista xadhiga Fiber Optic ee badda hoos mara oo sanadkii 2011-kii shirkadaasi kooto loogu xidhay.

In Wax ka bedel lagu sameeyo xeerka boostada iyo Isgaadhsiinta waxa soo gudbiyey 75 xildhibaan, kuwaas oo sheegay in cid gaar ah in kooto loogu xidhaa ka hor imanayso dastuurka,isla markaana loo baahan yahay Internet ka jaban ka hada la isticmaalo si loogu tartamo suuqa waa in aan cidna kooto loogu xidhay keenista Internet jaban oo ka xawaale badan ka hadda la isticmaallo.

68 Xildhibaan ayaa cod ku meel mariyay wax ka beddelka xeerkaasi, halka Xildhibaan diiday, midna ka aamusay, gudoomiyuhuna aanu codeyn.

Shirkadaha waaweyn ee dalka sida Shirkadda Somcable iyo Telesom ayaa muddo dheer diidanayeen in shirkad gaar ah kooto loogu xidho keenista Internetka badda hoos mara, haseyeeshee waxay maanta soo dhoweeyeen go’aankaasi golaha Wakiilada oo iyagu ay dabada ka raaciyeen in xeerkaasi kootadda wax laga bedelo.

Golahan wakiiladda Somaliland ayaa sanadkii 2011-kii cod aqbaliyad ah kooto ugu xidhay shirkadda SOMCABLE keenista Kaybalka Internetka ee badda hoos mara, waxaana arrintaasi u fududeeyey xukuumaddii hore ee madaxweyne Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaatee, mulkiilaha shirkada SOMCABLE ee Internetka Maxamed Aw Siciid oo ay saaxiib dhow ahaayeen madaxweyne Biixi ayaa talaabadani ku keenaysa inay kala fogaadaan,maadaama oo uu ahaa ninkii lacagta ugu badan ku bixiyey doorashadiisii.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.