Hudheel Shiinuhu U Isticmaalayey Karantiimaynta Dadka Coronavirus Qaba Oo Dumay

Quanzhaou, (HCTV) – Ugu yaraan 70 qof ayaa ku go’doonsan hotel Shiinuhu u isticmaalayey inuu ku karantiimeeyo dadka xanuunka Caabuqa Coronavirus qaba oo ku yaala magaalada Quanshaou ee dalka Shiinaha.

Tirada kiisaska cusub ee caabuqa coronavirus ayaa ka sara martay 100,000 aduunka oo dhan, sida ay sheegtay xog cusub oo shiinuhu uu soo bandhigay, taas oo sidoo kale muujinaysa in jug baaxad lihi ay soo gaadhay wixii uu dalkaasi dibada u dhoofin jiray, kadib markii uu dilaacay cudurkaasi oo khalkhal ku riday hawlihii ganacsiga iyo dhaqaalaha dalkaasi.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in fiditaankan virus-ku uu samayynayo ay tahay “mid walwalkiisa leh”, taas oo wadamo hor lihi ay isla maanta oo Sabti ah ay ku dhawaaqayaan kiisaskoodii ugu horeeyey ee cudurka COVID-19, kaas oo dadka uu laayay tiradoodu hada gaadhayso 3,500 qof, halka dadka uu asiibayna ay ka badan tahay 100,000 qof oo ku kala nool 92 wadan.

Koonfurta Kuuriya ayaa iyagu shaaciyey boqolaal kiisas cusub ah maanta oo Sabti ah taas oo wadarta tiradooda dadka uu haleelay ka dhigaysa 7,000 dalkaasi Koonfurta Kuuriya.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.