Sucuudiga: Rag Ka Tirsan Qoyska Boqortooyada Oo Looga Shakiyey Afgambi Oo La Xidhay

Riyaadh (HCTV) – Boqortooyada Sucuudiga ayaa xidh-xidhay laba xubnood oo ka mid ah Qoyska Boqortooyada Sucuudiga.

Ragga la xidh-xidhay waxa ka mid ah amiir Ahmed bin Abdulaziz oo ah Walaalka ka yar Boqorka Sucuudiga Salaam Bin Cabdicasiis, Mohammed bin Nayef oo hore u ahaa Dhaxal-sugaha koowaad ee boqortooyada  Sucuudiga iyo amiir Nawaf bin Nayef oo ah Ilmaadeer yihiin Dhaxal-sugaha.

Wargeyska Wall Street Journal oo ka soo baxa Maraykanka ayaa baahiyey in Hawl-galka ay Ciidamo gaar ahi sameeyeen lagu qab-qabtay Raggan oo hore saamayn ugu lahaa Boqortooyada Sucuudiga.

Illaa hadda dhab ahaan looma oga sababta keentay Xadhigga Raggan, laakiin Wargeyska ayaa sheegaya in looga shakiyey inay qorshaynayeen Afgambi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka