Bashiir Maxamed Qoorgaab Oo Ka Mid Ah Golaha Fulinta Al-shabaab Oo La Dilay

FILE - In this Aug. 26, 2019 file photo released by the U.S. Air Force, airmen from the 475th Expeditionary Air Base Squadron conduct a flag-raising ceremony, signifying the change from tactical to enduring operations, at Camp Simba, Manda Bay, Kenya. Islamic extremists are exploiting possible U.S. military cuts in Africa that have caused a rare bipartisan outcry in Washington, with lawmakers stressing the need to counter China and Russia and rein in a growing threat from fighters linked to the Islamic State group. (Staff Sgt. Lexie West/U.S. Air Force via AP, File)

Sakow, (HCTV) – Bashiir Maxamed Qoorgaab oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada al-shabaab ayaa lagu dilay weerar duqayn ah oo ka dhacday deegaanka Saakow oo ka tirsan gobolka Jubada Dhexe.

Taliska milatariga dalka Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa maanta xaqiijiyey in hoggaamiyahan sare ee ka tirsan ururka Alshabaab lagu dilay duqayn bishii hore.

Sidoo kale dhimashada Sarkaalkan ayay xaqiijiyeen qoyska Qorgaab.

Dawlada Maraykanka ayaa hore madxiisa u dul dhigtay lacag gaadhaysa 5 Milyan oo dollar taas oo loo balanqaaday qof kasta oo soo gudbiya xogo, fududaynaya qabashadiisa ama dilkiisa.

Mr Qoorgaab oo da’diisu ahayd 37 ayaa aad ugu dhawaa hoggaanka xoogaga gacansaarka la leh Al-qaacida, kaas oo la filayo in geeriddiisu ay saamayn karto meelo badan oo kooxda dhexdeeda ah.

Siday ay muujinayaan macluumaadyo dhinaca mukhaabaraadku, Qoorgaab ayaa ahaa abaanduulaha guud ee Ururka Alshabaab.

Waxaana sidoo kale la sheegay inuu ahaa madixii hawlgalada laga fulinayo dalka Kenya qaabilsanaa, kaas oo ururku uu ka fuliyey hawlgalo xoogan.

Qoorgaab ayaa sidoo kale xubin ka ahaa Golaha fulinta, waxaanu si gaar ah u qaabilsanaa weerarada xerooyinka ciidanka.

HORN CABLE TV,

QAYBNTA ONLINE-KA.