Ujeeddada Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Ku Tagay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (HCTV) – Wefdi ka socda dawladda Kenya ayaa maanta tagay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya Fred Matiang’i ayaa sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu u diray magaalada iyagoo amar ku haysta inay la kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Wefdigan Kenya ayaa ka kooban shan xubnood, waxaana ay maanta la kulmeen Madaxweyne Farmaajo oo ay soo gaadhsiiyeen farriin ay ka sideen Madaxweynaha Kenya iyagoo ka wada hadlay caadiyeynta xidhiidhka labada Waddan.

Booqashada Wefdigan ee Muqdisho ayaa imanaysa iyadoo xiisad kacsan ay ka jirto xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, taasi oo ka dhalatay iska horimaad dhexmaray ciidamada dawladda Soomaaliya iyo ciidan uu hoggaamiyo Wasiirka Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan oo saraakiisha Waqooyi Bari Kenya sheegeen inuu ku sugan yahay Gobolka Mandera.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka