WADDANI Oo Hakintii Ka Qaaday Xubintii Ay Komiishanka U Soo Xusheen

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay inay hakintii ka qaadeen Xubintii ay hore ugu Magacaabeen Komiishanka cusub ee Doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Cabdiraxmaan-Cirro oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu xusayey Maalinta Haweenka Adduunka oo Sannad kasta Adduunka oo dhan laga xuso 8-da Bisha March, ayaa sheegay inay Xisbi ahaan Hakintii ka qaadeen Xubintii ay hore ugu Magacaabeen Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, sidaasi darteedna Xubintaasi uga mid noqonayso Komiishanka cusub.

Cabdikariim Yaasiin Sheekh Dalmar oo xillligan uu WADDANI ka qaaday hakintii saarnayd ayaa Xisbigu hore u hakiyey isaga oo aanu baarlamaanku ansixin.

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa meel-mariyey 6 xubnoo oo ka mid ah Komiishanka, balse xubintan ayaa xilligaa Xisbigu u hakiyey khilaaf jiray.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka