Wararkii U Dambeeyay: Talyaaniga Oo 16 Million Qof U Kaaraantimeeyay Si Looga Hor tago Faafidda Coronavirus

Italy (HCTV) – Tirada Dadka uu ku dhacay Caabuqa Halista ah ee Coronavirus ayaa kor u dhaaftay 106,000 Adduunka oo dhan, xilli Dawladaha Adduunku xadidayaan socdaalka, lana xidhay Dugsiyada Waxbarashada, shaqaalahana la fasaxay meelaha qaarkood.

Illaa hadda dadka Dunida oo dhan ugu Geeriyooday Xanuunka Coronavirus ayaa gaadhay 3,500 Qof, sida la soo weriyey.

Dhanka kale, Malaayiin qof oo ku nool Gobollada Waqooyi ee dalka Talyaaniga ayaa la kaaraantimeeyay isla-markaana lagu amray in aanay Guryahooda ka soo bixin, ka dib markii Xukuumaddu qaadday Tallaabooyin lagaga hor tagayo faafidda Coronavirus.

Dadka la Kaaraantimeeyay ayaa ka badan 16 Million oo ruux, kuwaasi oo ku nool Gobollada Waqooyi-bari ee dalka Talyaaniga, tiradaasi oo 3 meelood marka loo qaybiyo shacabka dalkaasi noqonayso Meel.

Kaaraantimaynta ayaa soconaysa illaa 3-da bisha dambe ee Aprill, 2020.

Dadka illaa hadda Talyaaniga ugu Geeriyooday Caabuqa Coronavirus ayaa gaadhay 233 Qof.

Sidoo kale, Sucuudiga oo dhawaan joojiyey in lagu cibaadaysto Xaramka, ayaa sidoo kale joojiyey Dadka ka soo galaya Dhanka Imaaraadka Carabta, Kuwait iyo Baxrayn, kuwaasi oo uu dhammaantood ka dilaacay Caabuqani.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka