Xukuumada Somaliland Iyo Midawga Yurub Oo Kala Saxeexday Mashruuc Lagu Horumarinayo Laasgeel

Hargeysa, (HCTV) – Xukuumada Somaliland iyo Midawga Yurub ayaa kala saxeexday mashruuc ay iska kaashanayaan oo lagu ilaalinayo Laasgeel iyo goobaha taariikhda dalxiiska ee Somaliland, .

Mashruucan ayaa waxa Somaliland iyo Midawga Yurub waxa u kala saxeexay Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan iyo Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Somalia Ambassador Nickolas Berlanga.

Mashruucan oo lagu kala saxeexday Laasgeel ayaa sidoo kale waxa goobjoog ka ahaa Jamac Muuse Jaamac oo ka tirsan Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.