Caasimadda Indonesia Oo Waajahaysa Khatar Weyn (Akhri Sababta)

Jakarta (HCTV) – Magaalada Jakarta ee caasimadda dalka Indonesia oo ah magaalo xeebeed ayaa sanadihii dambe waajaheyesay khatar aan horay loo arag oo keentay in dadka iyo dowladdaba ay bilaabaan sidii looga guuri lahaa.

Magaaladan oo ah xarunta looga taliyo dalkaas ayaa waxaa ka sare maraya biyaha badda, oo waxaa sare u kacaya heerka biyaha badda ay joogaan, waxaana taas ay keentay in ay dhulka galaan inta badan guryaha caasimadda.

Biyaha badda ayaa noqday kuwa ku fatahay guryaha magaalada, waxayna caqabad ku noqdeen noolosha dadka.

Dhismayaal qadiimi ah oo ku yaalla magaaladaas ayay biyaha ka sare mareen, waxaana taas ay keentay in dhismayaasha qaar ay dadka isaga guuraan, maaddaama ay adag tahay in lagu noolaado.

Sidoo kale masaajido ay dadka ku tukan jireen ayaa la isaga guuray, maaddaama ay biyaha badda buux dhaafiyeen.

Dowladda dalkaas ayaa sanadihii dambe waday dedaalo wax lagaga qabanayo arrintaas, waxayna derbi ka dhistay dhanka badda, si looga gaashaanto biyaha badda ee gudaha usoo galaya magaalada, balse arrintaas waxtar badan ma ayna yeelanin.

Sidoo kale, qorsheyaasha ay dejisay dowladda ayaa waxaa ka mid ah in caasimadda laga raro Jakarta, loona wareejiyo jasiiradda Borneo oo ku taala meel hawd ah.

“Waxaanu heysanaa fursad wanaagsan oo ah in aan meel hoose wax ka bilawno, in aan hagaajino magaalo aad u wanaagsan oo lagu noolaan karo, waxaana adeegsan doonaan wax walba oo ugu fiican, magaalana lagu dhisi karo”, ayuu yidhi Sofian Sibarani oo ah khabiir magaalooyinka horumarintooda ka shaqeeya.

Hase-yeeshee meesha haatan la doonayo in laga yagleelo caasimadda cusub ee Indonesia ayaa waxaa ku nool dad asalkoodu halkaas loogu yimaaddo, kuwaas oo walaac ka muujiyay qorshaha cusub.

“Waxaan ka walaac sanahay in dhulkayaga la doonayo in laga dhiso dhismayaal dhaadheer, qaab noolaleedkeeni waa uu burburayaa” ayay tidhi mid kamid ah dadka ku nool keymaha la doonayo in laga dhigo caasimadda Indonesia.

Keymahaas ayaa waxaa ku nool xayawaan badan oo duur jog ah, waxaana walaaca ugu weyn uu yahay halka ay ku dambeyn doonaan xayawankaas oo laga cabsi qabo inay suulaan, Inkastoo dowladda dalkaas ay sheegtay inay ilaalin doonta keymaha iyo duur joogta ku nool.

Magaalada Jakarta ayaa waxaa ku nool tobanaan milyan oo qof, kuwaas oo deris la noqday biyaha badda ee ka sare maraya jilbahooda, mustaqbalkana laga cabsi qabo inay qariyaan gebi ahaan dhismayaasha caasimadda.

Dad badan oo halkaas ku nool waxay sheegeen in ayna heysanin meel kale oo ay ku noolaadaan, waxaana ay dalbanayaan in dowladda wax ka qabato khatarta ay waajaheyso caasimadda.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: BBC