Iran Oo Sii Daynaysa 70,000 oo Maxbuus Aafada Cudurka Coronovirus Awgii

Tehran, (HCTV) – Dawladda Iran ayaa sii daysay ku dhawaad 70,000 maxbuus, taas oo ay sababtay xanuunka Caronavirus ee ku fidaya dalkaasi, sida uu sheegay Maxada Garsoorka dalka Iran Ebrahim Raisi.

Dalka Iran waxa jira 49 kiis oo cusub, halka tirade xanuunka caronavirus u dhimatayna ay gaadhayaanayaan 194.

Dalka Iran ayaa ka mid ah dalalka uu faraha baas ku xayo xanuunkan oo markii u horaysay ka dilaacay dalka Shiinaha, waxaanu sidoo kale ka mid ah dalalka uu aadka ugu faafay Koonfurta Kuuriya iyo Talyaaniga.

Waxaanay ahayd maalintii shalay markii dalka Talyaanigu uu karantiimeeyey 16 milyan oo dad ah oo ku nool Lombardy iyo qaybo kale oo waqooyiga dalkaasi ka mid ah in laga safro ama loo safro, waxaanay xiligan tirade dhimashadu guud ahaan ay Talyaaniga gaadhaysaa 366 qof, halka laga helay caabuqa Coronavirus dad ka badan 7,000 qof.

Balse waxa jira warar soo baxaya oo sheegaya in dalalka Shiinaha iyo Kuuriyada K0onfureed uu hoos u dhacayo.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.