Gari Cad Oo Dhif Iyo Naadir Ku Ah Aduunka Oo Lagu Dilay Gaarisa

Gaarisa, (HCTV) – Gari Cad oo dhadig ah iyo dhasheedii oo dhif iyo naadir ku ah aduunka ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay Ishaqbini Hirola oo ka tirsan Ijara, Gobolka Gaarisa ee dalka Kenya.

Garigan ayaa la sheegay inay dileen ugaadhsato sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan deegaankaasi, kuwaas oo tilmaamay in dhasha Garigani uu ahaa dhalashadii labaad ee la soo sheegey bishii August ee sanadkii hore, taasoo keentay in qoyskani ka koobnaadaan seddex Gari oo cadcad.

“Tani waa maalin murugo u leh bulshada Ijara iyo Kenya guud ahaanba. Waxaan nahay bulshada keliya ee adduunka ku nool ee aan mas’uulka ka nahay Gariga cad.

Dilkiisu wuxuu dhabar jab ku yahay talaabooyinka waaweyn ee ay bulshadu ku doonayso inay ku ilaaliso ama ku daryeesho noocyada dhif iyo naadir ah ah ee duurjoogta, ”ayuu yidhi Maxamed Axmednoor, maamulaha xarunta ilaalinta Ugaadha ee Ishaqbini Hirola Conservancy.

Garigan cadd ee dhadiga ah ayaa sanadkii 2017 qabsatay bogaga hore ee Warbaahinta Caalamka kadib markii la helay, waxaanay leedahay harag cad oo ka gaar ah noocyada kale ee Gariga ku nool halkaasi iyo aduunka oo dhan.

Dilka Garigan ayaa sidoo kale mar kale qabsatay warbaahinta Caalamka oo warkeeda tabinaya.

“Tani waa khasaare muddo dheer ah marka loo eego daraasadaha hidde-baadhista iyo cilmi-baadhista oo muhiimad dhaqaale u lahayd deegaanka, oo ay sare u qaadaysay Dalxiiska,” ayuu intaasi ku daray Maxamed Axmednoor.

https://www.itv.com/news/2020-03-11/two-rare-white-giraffes-killed-by-poachers-in-kenya/

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.