Xisbiga UCID Oo Magacaabay Xubinta Guddida Doorashooyinka U Mateli Doonta

, (HCTV) – Xisbiga Mucaaridka ee UCID ayaa magacaabay xubinta guddida doorashooyinka Somaliland u matali doonta.

Sida lagu sheegay qoraal magacaabid ah oo ka soo baxday xisbiga UCID oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, kaas oo lagu sheegay in xisbiga UCID uu Cabdifataax Ibraahim Xasan usoo xulay inuu ku matalo guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland.