Cisbitaalka Hargeysa Oo Lagu Soo Kordhiyey Adeega Dhaawac Muujinta

Hargeysa, (HCTV) – Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa lagu soo kordhiyey qaybta adeega dhaawac muujinta sharciga ah ee ciidanka booliska Somaliland u sameeyaan bulshada magaalada Hargeysa.

Adeegan ayaa ahaa mid bulshadu baahi weyn u qabeen, maada marka qofka dhaawac soo gaadho dib loogu celin jiray halka saldhig boolis ugu dhaw ee uu ka yimid.

Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa Xuseen Axmed Xaashi ayaa sharaxay faa’iidada adeegani u leeyahay bulshadda “Waxaa ay nagu qaadatay mudo imika lagu qiyaasi karro hal sano, dhaawac muujintii dhakhtarku qorayey ee waatii dhanka sharciga laga soo fasaxayey, marka sanad ayay nagu qaadatay maamuladii kala danbeeyey ee dhinaca booliska, marka waxaan halkan aad iyo aad uga mahad celinayaa taliyaha ciidanka booliska oo arrintaasi isagu go’aankeeda gaadhay culeys badan ka furtay bulshadda”

“Waxaa dhacday in qofkii oo xaafadiisi danbi kaga dhacay ayaa inta la soo qaado cisbitaalka la keena oo saldhigii la soo dhaafiyey, laakiin qofkii ehelkiina cisbitaal la gaadhi waayey, oo qofkii oo xaaladiisi adag tahay ayaa dib loo celin jiray marka waxaa go’aan lagu gaadhay in xafiiskani halkan laga hirgeliyo oo laga sameeyo rug, ciidan oo awood u leh inay qofkii siiyaan warqadii sharci, shaqo kala laalladay ayaa leysku keenay oo saldhiga noogu dhawi waa saldhiga dhexe saldhigana dhexena waa suuqa, meelaha wax ka dhacaana waa xaafaddaha xaafad walibana in ay keedi ku noqoto ayay aheyd sidaasi darteed ayaa halkan loo keenay”Ayuu yidhi agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa Xuseen Axmed Xaashi.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.