Hay’adda Badaha Adduunka (IMO), oo Maamulka Dekeda Berbera Gudoonsiisay Shahaadada Amniga Dekedaha

Berbera, (HCTV) – Hay’adda Badaha Adduunka (IMO), ayaa Tabobar usoo xidhay shaqaale-weynaha Dekeda Berbera, sidoo kalena waxay Haayaddu Shahaado  nooceedu cusub tahay gudoonsiisay Dekeda Berbera.

Hay’adda Nordic Crisis Management oo ka Wakiil ahayd,  Hay’adda Badaha Adduunka (IMO) ayaa Maamulka Dekeda Berbera gudoonsiiyey Shahaado shantii Sanno-ba mar ay bixiso Hay’adda Badaha Adduunka (IMO), isla markaana lagu qiimeeyo Amniga Dekedaha, ayaa sanaadkan waxa la gudoonsiiyey Dekeda Berbera oo noqotay mid caalamiya, sidoo kalena dhinaca amniga iyo weliba shaqo wanaag ku mutaysanatay Shahaasadan Caalamiga ah.

Shaqaalaha kala duwan ee Tabobarkan loo soo xidhay, ayaa waxa kamid ah, Shaqaalaha Hay’adda Dekedaha JSL, Ciidanka Laanta Socdaalka, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Shirkadda DP World Berbera. Tababarka oo ku saabsanaa Nabadgelyadda Iyo badbaadada Dekedaha (Port Facility Security Officers(PFSO), ayey hawlwadeenii wax la baray ka faaideen aqoon heer-sare ah.

Gabo-gabadii Kulankaas, waxa Maamulka Dekedaha ay gudoonsiisay Hay’adda Nordic Crisis Management, Shahaadada (The International Code of the Security of Ships and of Port Facilities(ISPS Code).

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal uu bogiisa ku daabacay Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, kaasoo u dhignaa Sidan.

“Jimce, 13 – 03 – 2020 , Annagoo kaashanaynaa, Hay’adda Nordic Crisis Management oo kaga Wakiil ahayd Tababarkan,  Hay’adda Badaha Adduunka (IMO), Waxaannu Tababar u soo xidhnay Shaqaalaha Hay’adda Dekedaha JSL, Ciidanka Laanta Socdaalka, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Shirkadda DP World Berbera. Tababarka oo ku saabsana Nabadgelyadda Iyo badbaadada Dekedaha (Port Facility Security Officers(PFSO).

Sidoo Kale, Waxaannu ka gudoonay Hay’adda Nordic Crisis Management, Shahaadada (The International Code of the Security of Ships and of Port Facilities(ISPS Code)”.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.