Maraykanka Oo Xaalad Deg-deg Ah Lagu Soo Rogay

USA (HCTV) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump  ayaa ku dhawaaqay Xaalad deg-deg ah, ka dib markii la arkay sida Xawliga ah ee uu u faafayo Caabuqa Coronavirus.

Madaxweynaha ayaa Xaalad deg-deg ah geliyey guud ahaan Dalka Maraykanka, si looga tigtoonaado in cudurku sii faafo, waxaana la fasaxay dhammaan Dugsiyada Waxbarashada, waxaana la joojiyey isku imaanshiyaha Dadka, dhammaan tallaabooyinkaasina waxa looga gol leeyahay in laga digtoonaado in Cudurku sii faafo.

Sidoo lale, Maraykanka ayaa la dagaalanka cudurkan u qoondeeyay Adduun lacageed oo gaadhaya 50 Bilyan oo Dollar.

Cudurkan ayaa illaa hadda dunida ku dilay 5000, xilli IRAN Iyo Spain laga soo sheegayo tobannaan qof oo cusub oo geeriyooday.

Xanuunka Coronavirus oo saameeyay Waddamo ka badan lixdan ayaa ku dhacay Dad gaadhaya 149,369 Qof, laakiin Dad ka badan 71,694 ayaa ka soo kabtay.

Gobolka Hubei oo ah halkii uu ka soo bilaabmay Cudurku ayaa la soo weriyey in Jimcihii lagu arkay 5 Kiis oo cusub oo Coronavirus.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka