Timothy Mynett Oo Guursaday Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo Qaatay Diinta Islaamka.

Minnesota, (HCTV) – Timothy mynett oo ah nin cadaan ah oo dhawaan ay is-guursadeen Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka Congress-ka dalka Maraykanka ayaa qaatay diinta Islaamka.

Arbacadii todobaadkan ayay ahayd markii Ilhan Omar, ay ku shaacisay barta Instagram ay ku leedahay inay ku guursatay Timothy Mynett, oo ah la-taliyaheedii dhinaca siyaasada oo kala soo shaqeeyey xiligii ay ololaha ku jirtay.

Afayeen u hadlay Ilhaan Cumar ayaa sheegay wixii ka dambeeyey Arbacadii in Ilhaan Cumar iyo Mynett ay sidoo kale isku guursadeen habka diinta Islaamka waafaqsan, isla markaana Mynett uu qaatay Islaamka.

Ilhaan Cumar ayaa waxa hore u qabay Axmed Xirsi, kaas oo ay kala tageen bishii November ee sanadkii la soo dhaafay.

Sidoo kale Haweeneydii hore ee Mynett ay kala tageen, ayaa maxkamadd ay dacwad u gudbisay ka sheegtay in ninkeedu xidhiidh qarsoodi ah uu la leeyahay gabadh kale, taas oo keentay inay aakhirkii kala tagaan ama is-furaan bishii April ee sanadkii la soo dhaafay.

Ilhaan Cumar ayaa bishii August beenisay kala tageen Xirsi ama ay xidhiidh la leedahay cid kale. Waxaanay u sheegtay WCCO in aanay ka hadli doonin nolosheeda shaqsiyadeed.

Washington Post ayaa sidoo kale baahiyey in ololaha Ilhaan Cumar uu Mynett ka bixiyey $7,000 bishii July 2018, halka sidoo kale shirkaddiisa, E Street Group, in kabadan $220,000 ay bixisay 2018 iyo 2019 oo loogu talagalay aruurinta latalinta iyo adeegyada kale, sida ku xusan diiwaannada maalgalinta ololaha federaalka.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.