Kuwait Oo Albaabbada U Laabtay Masaajiddo

Kuwait (HCTV) – Masuuliyiinta Dawladda Kuwait ayaa si ku meel-gaadh ah u Albaabada ugu laabay Masaajiddada, waxayna wax ka beddeleen sidii loo Aadaami jiray.

Dawladda Kuwait ayaa xidhay Masaajiddadii ay Dadweynuhu Salaadda ku wada tukan jireen, waxaana xilliyada Salaadda Sameecadaha Masaajiddada ka baxa Aadaan la duubay, kaasi oo isaga laftiisa wax laga beddelay.

Kalmadaha Aadaanku ka kooban yahay ayaa lagu soo daray ‘Guryihiina ku tukada’, sida uu daabacay Wargeyska Middle East Eye.

Tallaabadan ayaa Dawladda Kuwait u qaadday si looga digtoonaado Caabuqa faraha baas ku haya Dalalka Caalamka ee Coronavirus.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Islaamka ee Dalka Kuwait ayaa Jimcihii la soo dhaafay ku dhawaaqay in la joojiyey Shantii Salaadood ee Masaajiddada lagu wada tukan jiray, laakiin dadweynuhu ay guryahooda ku tukadaan, si looga baaqsado Cudurka Coronavirus.

Muuqaallo lagu baahiyey Baraha Bulshadu waxay muujinayaan Masaajiddada Kuwait oo ka baxayaan Aadaan ay kalmadiisa ka mid yihiin in aanay dadweynuhu Masaajiddada iman ee ay Guryahooda ku tukadaan.

Kuwait oo illaa hadda 100 Qof lagu arkay Cudurka Coronavirus ayaa iska joojisay duulimaadyada Ganacsi ee dalkaa iman jiray, taasi oo qayb ka ah dedaallada lagaga hor-tagayo Coronavirus.

Illaa hadda lama sheegin Cid uu Coronavirus ku dilay Dalka Kuwait.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka