Japan Oo Dil Ku Xukuntay Nin Dilay 19 Qof Oo Naafo Ahaa

Japan (HCTV) – Nin u dhashay dalka Japan ayaa lagu riday xukun dil ah, ka dib markii lagu helay inuu 19 Qof oo Naafo ah ku dilay Middi, kuwaasi oo lagu hayey Guri lagu daryeeli jiray.

Satoshi Uematsu oo ah Ninka la xukumay ayaa sheegay in Dadka naafada ahi aanay lahayn Xuquuqda Aadamaha kale leeyihiin, sida uu sheegay Weriye Magaciisu yahay Kyodo oo ka hadla Idaacad Warkan laga soo xigtay.

Ninkan oo da’diisu tahay 30 Sano jir, ayaa mar ka shaqeeyay Goob lagu daryeelo Dadka naafada ah, taasi oo ku taalla meel ku dhow Tokyo.

Kiiskan ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee Dad intaa leeg lagu laayo, isla-markaana Dadku ka xumaadaan, waxaanu noqonayaa Dambiyada naadirka ah ee Japan ka dhacay.

Ninka geystay Dilkan foosha xun oo uu hore u waraystay Wargeyska Mainichi Shimbun oo ka soo baxa Japan ayuu ku sheegay in aanay macno lahayn nolosha Dadka Maskaxda naafada ka ah ama door ay ugu jiraan bulshada.

Ninkan dilaaga ah oo illaa 2016-kiix xidhnaa, ayaa Isniinta Maanta waxay Maxkamad ku taalla degmada The Yokohama amartay in la dilo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka