Madaxweyne Biixi Oo Shacabka U Soo Jeediyey Inay Raacaan Talooyinka Wasaaradda Caafimaadka

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Shacabka u diray farriin la xidhiidha sida looga digtoonaanayo Cudurka Coronavirus oo Bilihii u dambeeyay faro-baas ku hayey Dalalka dunida, isla-markaana Toddobaadkan soo gaadhay Dalalka Kenya iyo Itoobiya oo Somaliland xuduud la leh.

Madaxweynaha oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Qasriga Madaxtooyada ayuu ku sheegay in Madax iyo Shacabba looga baahan yahay inay raacaan Tilmaamaha ay wasaaradda Caafimaadku ka bixisay, kana bixin doonto Cudurka Coronavirus, si looga baaqsado cudurkaasi oo halis ku haya Bulshada Caalamka.

Madaxweyne Biixi oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan ummadda Somaliland u sheegayaa inaynu Maanta ku soconaynno awaamiirta wasaaradda Caafimaadka, cid kalena amar kama bixin karto oo kama warrami karto.”

Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu sheegay in isaga oo Madaxweyne ah, Madaxda kale ee Qaranka iyo Shacabkaba looga baahan yahay inay raacaan Talooyinka Wasaaradda Caafimaadka “Aniga oo madaxweyne ahi waxan raacayaa amarka uu I siiyo Dhakhtarka u hadla wasaaradka caafimaadku, wasiirku tiisa ayuu raacayaa, Jananku tiisa ayuu raacayaa, saxafigu tiisa ayuu raacayaa, ninka Baayac-mushtarka ahina tiisa ayuu raacayaa, sidaasna waxa ku jirta danteenna si aynnu u nabadgalno,” ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka