Sucuudiga Oo 298 Masuul U Xidhay Eedaymo Musuqmaasuq

Riyaad (HCTV) – Dawladda boqortooyada Sucuudiga ayaa xidh-xidhay Boqollaal Qof Masuuliyiinta Dawladda ah, Saraakiil Millatari iyo hay’adaha ammaanka ka mid ah.

Dadka la xidhay ayaa tiradoodu tahay 298 Qof, sida uu ku dhawaaqay Xafiiska la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Boqortooyada Sucuudiga.

Dadkan ayaa lagu eedeeyay inay qaateen Laaluush iyo inay si khaldan uga faa’idaysteen awoodaha Xafiisyada ka shaqaynayeen.

Hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa ee Sucuudi Carabiya (Saudi’s National Anti-Corruption Commission (Nazaha) oo Xilli dambe oo Axaddii shalay ah ku dhawaaqday Warka sheegaya in la xidhay Dadkan saddexda Boqol ku dhow, ayaa sidoo kale sheegtay in Maxkamad ka soo taagi doono dhammaan Dadka hadda gacanta lagu hayo.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa sannadkii 2017 xidhay tiro badan oo ka mid ah Amiirrada boqortooyada Sucuudiga, Ganacsato iyo Siyaasiyiin, taana waxa lagu sheegay inay ahayd isku day lagu doonayo in lagula dagaalamo Musuqmaasuqa.

Xadhigga Dadkan loo haysto Musuqmaasuqa ayaa ku beegmaya toddobaadyo uun ka dib, markii la xidhay Boqor Salmaan Walaalkii iyo laba xubnood oo kale oo ka mid ah Amiirrada boqortooyada Sucuudiga, kuwaasi oo la sheegay in qaarkood la jidh-dilay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka