Philippines Oo Kaaraantimaysay 57 Malyuun Oo Qof

Manila (HCTV) – Dawladda Philippines ayaa soo saartay amar lagu kaaraantinimaynayo Dadka ku dhaqan Jaziirrada Luzon, halkaasi oo ay ku nool yihiin Dad ka badan 57 Milyan oo Qof.

 Madaxweynaha Philippines Rodrigo Duterte ayaa soo saaray Amarka Kaaraantinimaynta oo soconaya illaa 12-ka dambe ee April, 2020, tallaabadaana waxa loo qaaday si loo joojiyo faafitaanka Cudurka Coronavirus oo Faro-baas ku haya Philippines iyo Dalalka kale ee Adduunka.

Madaxweyne Rodrigo Duterte oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la furi karo oo keliya goobaha bixiya Adeegyada ay ka mid yihiin iibinta Cuntada iyo Daawada “Waxa la furi karaa oo keliya, Xarumaha bixiyo adeegyada, sida Cuno iyo Daawo..” ayuu yidhi, Madaxweyne Rodrigo Duterte.

Madaxweynaha ayaa Waaxda Shaqada iyo daryeelka Bulshada u soo jeediyey inay fuliyaan Tallaabooyinka la soo rogay.

Sida laga soo xigtay Waaxda Caafimaadka, xanuunka COVID-19 ayaa illaa hadda ku dhacay Dad gaadhaya 142 Qof dalka Philippines, waxaana u geeriyooday 12 Qof, taasina waata keentay in la kaaraantinimeeyo 57 Malyuun oo Ruux.

 Jaziirrada Luzon ayaa Jaziirrada ugu weyn Dalka Philippines oo ka mid ah Dalalka ku yaalla Qaaradda Aasiya.

Guud ahaan dalka Philippines waxa ku nool Dad ka badan 104.9 Million oo Qof, marka la eego sahankii la qaaday sanadkii 2017-kii.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka