Aduunka Dadka U Dhintay Coronavirus Oo Gaadhay  11,000 Qof

HomeSomali News

Aduunka Dadka U Dhintay Coronavirus Oo Gaadhay 11,000 Qof

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Hadlay Safarkii Madaxweynaha Ee Gobolada Galbeedka
Wefti Reer Jabuuti Ah Oo Dib u Dhigay Socdaal Ay Ku Iman Lahaayeen Somaliland.
Wasiir Faratoon Oo Sheegay In Jabuuti Meeqaam Sare Ku Qaabishay Madaxweynaha Somaliland
Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Gudoomiyaha Shirkada DP World
Xadka U Dhaxeeya Wadamada Ethiopia Iyo Eritrea Oo Maanta Dib Loo Furay

Wuhan, (HCTV) – Tirada guud ee dadka ilaa iyo hadda u dhintay xanuunka coronavirus ee adduunka oo dhan ayaa gaadhay 11,000 qof, waxaana saacadba saacada ka dambaysa kordhaya tirada dadka qaadaya xanuunkaasi oo tiradooda lagu sheegay inay gaadhayso 300,000 qof oo adduunka ku kala sugan..
Sida ay xaqiijisay xog ururin ay samaysay jaamacada the Johns Hopkins University oo ku taala dalka Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay in dadka ka soo kabtay xanuunkaasi ay gaadhayso 88,000 qof.
Tirada dadka ku nool qaarada Yurub ee uu haleelay coronavirus ayaa kordhaysa waxaana la diiwaangaliyey 5,000 kiis oo cusub gaar ahaana dalalka Spain iyo Jarmalka.
Halka dalka Talyaaniga oo oo kaliya tiro ka badan 627 ay dhinteen Jimcihii shalay oo kaliya, isla markaana ay kordhayso maalinba maalinta ka dambaysa tirada dadka xanuunkaasi qaadaysa.
Dhinaca kale dalka Pakistan ayaa hakiyey duulimaadyadii caalamiga ahaa, halka Singapore lagu soo waramayo labadii kiis ee u horeeyey ee dhimasho ah.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

COMMENTS