Golaha Guurtida Somaliland Oo Galay Fasax Caabuqa Coronavirus Ee Adduunka Ku Fidaya Awgii

Hargeysa, (HCTV) – Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta hadal ka jeediyey kalfadhigii golaha Guurtida ayaa sheegay in Golaha Guurtida Somaliland uu galay fasax xanuunka Coronavirus ah, isla markaana ay raaci doonto fasaxii caadiga ahaa ee golahaasi.
”Wax hawl ah oo maanta inoo yaalaa ma jiraan, dalka iyo duniduba way kala xidhan yihiin. marka horta waxa aynu qaadanaynaa inta aynu isa salaami karayno afar todobaad oo Illaahay xanuunkan ha ina waydaariyee aynu ku sii ducaysanay inuu ina waydaariyo.
waxa intaa raacaya fasixii kalfadhiga caadiga ahaa ayaa marka aynu afartaa todobaad aynu ka baxno isna galaya, markaa fasixii caadiga ahaana waynu ku darsanaynaa,, ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan.