Haweenay Uur 8 Bilood Ah Leh Oo Laga Sii Daayey Saldhiga Booliska Wajaale Iyo Horizon Institute Oo Baaq U Diray Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – War-saxaafadeed:- ”18-kii March 2020, Horizon Institute, waxa uu soo saaray codsi uu u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inuu talaabo degdeg ah qaado si xanuunka COVID-19 looga ilaaliyo dadka ku jira xabsiyada iyo saldhigyada booliska Somaliland. Gaarahaana, Horizon waxa uu ka dalbaday madaxweyne Biixi inuu amar ku bixiyo in la sii daayo dadka xidhan ee aan galin dambiyada culculus iyo rabshadaha, gaar ahaana dumarka maxaabiista ah ee uurka leh, tanina waa khatar gaar ah oo CoOVID19 ah in ay somaliland kaga timaado dhinaca xuduuda.

Isla maalintaas, 18-kii March, haweeney uur 8 bilood ah leh ayaa damiin lagaga siidaayay Saldhigga Booliska Wajaale halkaas oo ay ku xukunayd xukun saddex sano ah iyo ganaax ah inay ka ganacsanaysay khamri. Waxaa la xukumay 31 Dicember 2019, waxaanu uurkeedu soo baxay isla markii boolisku xidheen 25-kii December. Way qiratay oo ciqaabtu si dhakhso leh ayey u dhacday. Waxaana loo diray inay xukunkeeda ku qaadatp saldhiga boolis, oo ah xarun aan lahayn adeegyo caafimaad, gaar ahaan haweeneyda uurka leh.

Wadamada kale, sida Brazil, waxay leeyihiin shuruuc lagu daryeelo haweenka uurka leh dumarka jaqsiinaya iyo caruurtoodaba marka ay marayaan xukunada ciqaabeedka inay ku qaataan xabsi guri. Arintani kama dhacdo Somaliland. Ilaalinta dheeriga ah ee dumarka uurka leh iyo kuwa nuujiyaba waxay maraan sharciga ah in dib loo dhigo ciqaabta dilka ilaa ilmuhu ka dhasho ama hal sano jir gaadho ama uu helayo daryeelka qoyska. Sababtoo ah maqnaanshaha sharcigan daryeelka, garsooraha ayaa maraya ikhtiyaarkiisa oo kaliya, iyada oo la eegayo qirashadeeda, in la xukumo.

Markii kooxda Sharciga ee Horizon ay la kulmeen haweenaydaasi 4-tii March, xaaladdu waxay ahayd mid aad u xun. Uurkeeduna wuxuu ahaa mid marxaladihii u dambeeyey maraya waxay la kulantay arrimo caafimaad iyadoo la raacayo shuruudihii xadhiga. Taliyaha saldhigga booliisku wuxuu codsaday in kiiskeeda ahmiyada koowaad la siiyo kaalmada sharciga, isagoo og in xaruntiisu aanu u qalabaysnayn inay caawiso haweeney umulaysa. Kooxdayadu waxay ogeysiisay qoyskeeda waxaamau bilaabeen inay kala shaqeeyaan iyaga si loo sugo siideynteeda. Waxaanu ka caawinay qoyska inay haweenayda geeyaan dhakhtar, in la isku dubarido waraaqaha lagama maarmaanka u ah codsashada damiinka iyo aanu u diyaarinay inay la hadlaan xaakimka. Waa lasii daayay hadana waxay ku sugan tahay gurigeeda.

Si kastaba ha noqotee, ma dhammaan. Si aan macquul ahayn, dacwad-ooguhu wuxuu racfaan ka qaatay go’aanka garsooraha oo uu wali sii raadinayo xukunkiisa, in kasta oo aanay jirin Somaliland meel u qalabaysan oo lagu xidho haweenayda uurka leh oo lagu daryeelo iyada iyo ilmaheeda markay umusho. Tani waxay khatar gelineysaa haweeneyda iyo ilmaheeda mustaqbalka, gaar ahaan hadda oo ah wakhtiga coronavirus. Horizon waxaay ugu baaqaysaa xeer-ilaalinta in ay laasho racfaanka aan loo baahnayn.

Horizon Institute is a Somaliland NGO working to advance the rule of law and human rights. For inquires, we can be contacted at info@thehorizoninstitute.org. To learn more, visit us at www.thehoirzoninstitute.org and follow us on Twitter and Facebook.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.